Madaxweyne Dani Oo Hortagaya Barlamaanka Puntland

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Saciid Cabdulaahi dani ayaa waxaa la filayaa in maalinta sabtida ah ee soo socota  uu hortago xildhibaanada barlamaanka maamulka puntland iyadoona xogo xasaasi ah laga helayo kulankooda

Xidhibaanada puntland ayaa waxa lasheegay in xalay loo diray fariimo lagu ogeysiinayo in ay kasoo qeyb galaan kulanka barlamaanka oo xiisa gooni ah xambaarsan

Madaxweyne dani ayaa waxa lagu wadaa in golaha wakiilada puntland uu warbixin kasiiyo safarkii uu ku tagay muqdisho iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay

Madaxweynuha puntland ayaa waxa la filayaa in uu qudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeedinayo baarlamaanka taasi oo uu kaga hadlayo fashilkii ku yimid shirkii uu muqdisho u tagay iyo waxa sababay in shirka uu guuldareysto

sidookale madaxweynaha puntland saciid dani ayaa lagu wadaa in xildhibaanada uu kala hadlayo arimo kusaabsan muddo kordhinta Dowladdu loo  sameysatay maadaama lafilayay in dalka ay doorasho ka dhacdo oo wada hadal lagu xaliyo arinta khilaafaadka doorashada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here