Gudoomiyihii Degmadda Xamar-jajab Maxamed Cabdi Xayle ayaa kooxo hubeysan xalay ku dileen Weerar gaadmo ah xilli uu sii galayay Gurigiisa oo ku yaalay Deegaanka Sarkuusta.
Afhayeenka Booliska, Sadiiq Doodishe ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Qaranka dilka Gudoomiyaha, Waxaana dilay Koox Bastoolado ku hubaysan oo watay Mooto Bajaaj.
waxaana la sheegay in goobta uu dilku ka dhacay ay durba iskaga baxsadeen kooxdii dilkaasi ka dambeysay
inta badan Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa dilal u geysta masuuliyiinta iyo askarta ciidanka dowladda

