Wararka imaanaya dalka Canada ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii la soo dhaafay wiil soomaali ah lagu dilay magaalada Toronto ee dalkaasi Canada.
Haabiil Axmed Cabdullaahi ayaa lagu sheegay magaca Wiilka soomaaliyeed ee lagu dilay gudaha wadanka Canada
Sababta keentay dilka muwadinka soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen wiilka la dilay iyo ruux kale
Ciidamada booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in dad falkaan ka dambeeyay ay ku tuhmayaan labo dhaliyaro madow ah kuwaas oo da,adooda lagu qiyaasay 20-25
Sidookale ciidamada booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan gaari ay wateen ragii dilay wiilka soomaaliga ah kadib ay shil galeen sidaasna ay uga carareen
Boolisku waxa uu tilmaamay in ay hayaan bastoola dihii dilka lagu geeystay
wararka ayaa haatan sheegaya in baaritaano kale duwan ay socdaan oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka soomaaliyeed loogu geeystay dalka canada

