Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Canada

0

Wararka imaanaya dalka Canada ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii la soo dhaafay wiil soomaali ah lagu dilay magaalada Toronto ee dalkaasi Canada.

Haabiil Axmed Cabdullaahi ayaa lagu sheegay magaca Wiilka soomaaliyeed ee lagu dilay gudaha wadanka Canada

Sababta keentay dilka muwadinka soomaaliyeed ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen wiilka la dilay iyo ruux kale

Ciidamada booliska magaalada Toronto ayaa sheegay in dad falkaan ka dambeeyay ay ku tuhmayaan labo dhaliyaro  madow ah kuwaas oo da,adooda lagu qiyaasay 20-25

Sidookale ciidamada booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan gaari ay wateen ragii dilay wiilka soomaaliga ah kadib ay shil galeen sidaasna ay uga carareen

Boolisku waxa uu tilmaamay in ay hayaan bastoola dihii dilka lagu geeystay

wararka ayaa haatan sheegaya in baaritaano kale duwan ay socdaan oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka muwaadinka soomaaliyeed loogu geeystay dalka canada

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here