Madaxweynaha maamulka galmudug axmed abdi kaariye qoor qoor ayaa waxa lagu wada in maanta uu safar ugu ambabaxo magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulkaas galmudug
madaxweyne qoor qoor oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada muqdisho ayaa sababta ka dambeysa safarkii waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii uu muddo 45 cisho ah uu ku sugnaa muqdisho islamarkaasna uu kasoo maqnaa deegaanada galmudug
dastuurka maamulka galmudug ayaa dhigaya in madaxweynaha maamulka uu san caasimada maamulka ka maqnan karin wax ka badan 45 cisho ,waxaana wararku ay sheegayaan in madaxweynaha galmudug uu maanta halkaasi u tagayo in muddo ay usoo kordhiyaan xildhibaanada maamulkaasi
safarka madaxweyne qoor qoor ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in uu boxo shalay balse waa uu baaqday maanta ayaa lagu wadaa in uu si degdeg ah ku tago magalaada dhuusamareeb.
madaxweynaha mamaulka galmudug ayaa ka mid ah masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirka arimaha doorashooyinka dalka loo arinsanayo ee ka socda magaalada caasimada ah ee muqdisho

