Warar kala ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geeystay oo ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagu eegtay xuduudka ay wadaagaan soomaaliya iyo Kenya
Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu yimid kadib markii weerar lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Kenya xilli ay dhaq dhaqaaq ka gobolka laamuu.
Qasaare kala duwan oo nafeed ayaa ka dhashay weerarka iyo qaraxa lala beegsaday ciidamada Kenya oo marayay deegaan ka tirsan laamuu.
Waxaana la sheegay in gaari xamuul ah oo ay wateen ciidamada Melleteriga Kenya lagu qarxiyay gobolka Lamu ee dhaca xeebaha wadankaasi kenya.
Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ,waxaana ay sheegeen in qasaaro xoog leh ay ku gaarsiiyeen ciidanka Kenya
Al-shabaab wararka ay ku baahiyaan bartooda interneetka waxa ay ku sheegteen qaraxa ay ku dileen Darawalkii gaariga waday ciidanka
Sidookalena askari kale ay ku dhawaceen qarax xoogan oo ay labeegsadeen gaari wateen ciidamada Kenya xilli uu ku socdaalayay kumarayay xuduudda gaar ahaan dhanka Lamu.
Majirto wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dowladda Kenya oo looga hadlayo qarax lala beegsaday ciidamadooda iyo qasaaraha la sheeegay in la gaarsiiyay.
Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah iyo qaraxyo la beegsada ciidamada Kenya xiliyada ay kusoc daalayaan wadooyinka dhaca xuduudka
Waxaana guulo dhowr ah ay ka sheegteen weeraro ay ku qaadeen ciidanka Kenya iyagoo intaas ku daray in ay sii laba jibaarayaan weerarada iyo qaraxyada ay la eeganayaan ciidamada Kenya oo ka mid ah ciidanka midowga afrika ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya

