madaxweynaha maamulka hirshabeele cali guudlaawe xuseen ayaa kulan lan interneetka ah waxa uu la qaatay ergayga gaarka ee qaramada midoobe ee soomaaliya james swan
madaxweynaha iyo ergayga ayaa waxa la sheegay in ay kawada hadleen arimo xasaasi ah oo ku saabsan muranka siyasiyiinta ee arimaha doorshooyinka dalka iyo siidii xal loogu heli lahaa khilaafaadkaasi jira
sidooakle waxa la sheegay in labada masuuli ay kawada hadleen xaalada bini aadanimo ee ka jirta deegaanada maamulka hirshabeele iyo sidii laiska kaa shanlahaa arimahaasi
kulanka madaxweynaha mamulka hirshabeele iyo ergayga gaarka ee qaramada midoobe ayaa waxa la sheegay in muhiimada kulankoodu uu ahaa mid diirada lagu saarayay xaalada kala guur ka ah ee dalku ku jiro
masuuliyiinta ayaa wxa la sheegay in ay isla falanqeyn arimaha jira iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay sidii looga shqeyn lahaa
qaramada midoobe ayaa soomaaliya waxa ay ka taageertaa arima badan sida dhinacyada amaanka doorashooyinka iyo dhanacya kale oo badan islamrkaasna ay ku jirto arimaha bini aadanimada


