dowladda faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay diiday in uu dhaxdhaxaadyahay gudiiga xaqiiqo raadinta ee jabuut kaasi oo urur goboleedka igad uu u xil saaray in ay xaqiida dhabta ay soo ogaadaan dalka jabuuti
wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada faderaalka soomaaliya oo shir jiraaid magalaada muqdisho ugu qabtay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay ay gabi ahaanba qaadaceen guddiga uu magacaabay madaxweynaha jabuuti ee loo diray in ay keenan xaqiiqda rasmiga ah khilaafka soomaaliya iyo kenya
wasiirka warfaafinta soomaaliya cusmaan dubbe ayaa waxa uu sheegay in guddiga uusan dhexdhaxaad aheyn uuna yahay mid dhinac ka raran
wasiirka ayaa waxa uu sheegay in aysan ku qanacsaneyn shaqada ay guddigu hayaan oo hal dhinac oo dhanka kenya ah ay u janjeeraan
wasiir dubbe ayaa waxa uu intaas ku daray in ay guddiga u sheegeen in ay tagaan meela badan oo dalka soomaaliya ah balse ay diideen ,waxaana dhankale uu sheegay in ay tageen meela badan oo kenya ka tirsan warka kenyana ay qaateen
dhankale wasiirka
soomaaliya ayaa xiriirka dib loo maasiyadeed u jartay dhigeeda dalka kenya waxaana ay sheegtay in ay kusoo xadgudubtay islamrkaasna ay soo fara galisay arimo kusaabsan arimaha gudaha soomaaliya
intaasi kdib waxa jiray dadaalo laiskugu soo dhaweynayay labada dhinac urur goboleedka igaad ayaana waxa uu madaxweynaha dalka jabuuti u xilsaaray khilaafka soo kala dhexgalay soomaaliya iyo keenya
waxaana madaxweynaha dalka jubuuti isguna uu usaaray guddi xaqiiqo raadin ah kuwaasi oo maanta soomaaliya ay qaadacday islamrkaasna ay diiday sida ay wax u wadaan oo ay ku tilmaantay mid hal dhinac u xaglinya.

