Wararka ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa sheegayaan laamaha amaanka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa xalay Howgalo ay Sameyeen xaafadaha magalaada waxa ay kusoo qabteen maandooriyaal farabadan
taliska ciidanka booliska magalada balaweyne oo faahfaahin ka bixiyay howlgalka ay ciidanka amaanku sameeyeen waxa ay ku sheegeen ay kusoo qabteen Waxyaabaha Maanka dooriyo Sida Qamriga iyo Xashiishaka kuwaasi oo ladoonayay in lagu dhex isticmaalo gudaha magaalada balad weyne ee xarunta gobolka hiiraan
Howgalkan ayaa waxa la sheegay in ay iska kaashadeen Ciidamada Booliska Hirshabelle qeybahooda kala duwan
waxaana ciidamada boolisku ay intaasi ku dareen in Magaalada Baladweyne howlgalkii ay ka sameeyeen ay kusoo qabteen dhowr kartoon oo Qamari ah.
Taliyaha ciidanka Booliska maamulka Hir-shabeelle Co.Xasan Dhicisow xasan ayaa waxa la sheegay in uu hogaaminayay Howgalkaan xalay dhacay magalaada baladweyne
sikastaba isticmaal waxayaabaha maanka dooriya ayaa waxa ay inbadan dhibaato ku tahay dadka isticmaala iyadoo sidookale uu saameyn ku yeelanyo amniga islamrkaasna uu keeni karo falal amniga lidi ku ah
saraakiisha ciidanka amaanka gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in aysan aqbali doonin in waxyabaha maanka dooriya lagu dhex isticmaalo gudaha magaalada iyo dhamaan deegaanada gobolka hiiraan
waxaana dhowr jeer oo hore goobo fagaaro ah lagu gubay wax yaabaha maanka dooriya oo iskugu jira qamri iyo xashiish oo howlgalo lagu soo qabtay

