Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Laga Dareemayo Magaalada Badhan

0

warar aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka sanaag ayaa wax ay kusoo waramayaan in sakaay ilaa xalay dhaqdhaqaaqyo xoogan lagu dareemayo magaalada badhan ee gobolka sanaag.

waxaana lasoo sheegayaan in cabsi xoogan ay soo fuudsartay dadka shacab ka ah ee ku dhaqan magalaada badhan kadib markii la sheegay halkaasi ay dhaqdhaqaayo ka wadaan ciidamo kala taabacsan maamulada puntland iyo somaliland .

xiisadaan laga soo sheegayo in ay ka aloolsantahay magalaada badhan ayaa waxa lasoo sheegayaan in ay timid ka dib markii ciidamada maamulka puntland ay xalay bandawv kusoo rogeen magalaada badhan ee gobolka sanaag halkaas oo ay ku munansanyihiin punland iyo somaliland .

wararku wax ay sheegayaan in gudoomiyaha xukuumada soomaaliland u magacaaban magalaada badhan uu iskaga baxay magaaada islamarkaasna uu aaday dhanka magalaada laascaanood
waxaana taasi ay kordhisay walwalka laga qabo in dagaal u dhexeya ciidamada mamulka puntland iyo soomaliland uu ka dhaco  magaalada badhan ee gobolka sanaag oo saakay ay ka taagan tahay cabsi tii ugu xooganeyd iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan labada dhinac ay wadaan

sikastaba tani waxa ay kusoo aadeysaa xili maalmo ka hor maamulka puntland uu dhamaan shaqada ka joojiyay saraakiishii ciidanka puntland ee magalaada badhan islamrkaasna uu ciidamo faraban geeyay
waxaana la sheegay in saraakiil cusub ay mamaulka punland u magacowday badhan ayna ku amartay in ay xaqiijiyaan amniga halkaasna ay howlgalo ka sameeyaan

maamulada punland iyo soomaaliland ayaa ku heystada maamulada magalaada badhan iyo deegaano ka tirsan gobolka sanaag kuwaasi oo dhowr jeer oo hore ay dagaalo qaraar ku dhaxmareen ciidanka puntland iyo kwa somaliland
waxaaana haatan wararku ay sheegayaan in gala cabsi qabo in dalka labada dhinac uu markale halakaasi ka qarxo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here