qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay magalaada badxaawo ayaa waxa xalay la keenay magalaada muqdisho ee caasimada dalka
dagaal xoogan oo u dhexaya ciidanka dowladda iyo jabhad hubeysan oo la sheegay in ay soo hubeysay kenya ayaa shalay ka dhacay magaalada balad xaawo ee gobolka gedo
waxaana dagaalkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay dad badan oo iskugu jiray dad shacab ah iyo askar ka kala tirsanaa labada dhinac ee dagaalamay
in ku dhaw 20 tan ruux ayaa waxa la sheegay in xalay dhaawacyadooda lasoo gaarsiiyay isbitaal ka madiina ee magalaada muqdisho si halkaasi lagu la tacaalo xaaladooda caafimaad
sidookale waxa ay wararku sheegayaan in dadka qaar oo aan fursad u helin in dhaawacyadooda lasoo qaado la rajeynayo in lasoo gaarsiiyo saacadaaha soo socda magaalada muqdisho
dad badan ayaa waxa la sheegay in shalay dhaawacyo culus ay kasoo gaareen dagaalkii ka dhacay magalaada balad xaawo kuwaasoo u baahday isbitaalo waaweyn oo la tacalikara xaaladooda caafimaad
xaalada magaalada balad xaawo ee gobolka gedo oo lagu dagaalamay ayaa waxa laso sheegaya in xaaladeedu ay tahay mi dagan.

