Ciidamada Amaanka Baladweyne Oo Howlgalo Kusoo Qabtay Waxyaabo Maanka Dooriya

0

 

Wararka ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa sheegayaan  laamaha amaanka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan  ayaa xalay  Howgalo ay Sameyeen xaafadaha magalaada waxa ay kusoo qabteen maandooriyaal farabadan

taliska ciidanka  booliska magalada balaweyne oo faahfaahin ka bixiyay howlgalka ay ciidanka amaanku sameeyeen waxa ay ku sheegeen ay  kusoo qabteen Waxyaabaha Maanka dooriyo  Sida Qamriga iyo Xashiishaka kuwaasi oo ladoonayay in lagu dhex isticmaalo gudaha magaalada balad weyne ee xarunta gobolka hiiraan

Howgalkan ayaa waxa la sheegay in ay iska kaashadeen  Ciidamada Booliska Hirshabelle qeybahooda kala duwan

waxaana ciidamada boolisku ay intaasi ku dareen in  Magaalada Baladweyne howlgalkii  ay ka sameeyeen ay  kusoo qabteen dhowr kartoon  oo Qamari ah.

Taliyaha ciidanka Booliska maamulka Hir-shabeelle Co.Xasan Dhicisow xasan ayaa waxa la sheegay in uu hogaaminayay  Howgalkaan xalay dhacay magalaada baladweyne

sikastaba isticmaal waxayaabaha maanka dooriya ayaa waxa ay inbadan dhibaato ku tahay dadka isticmaala iyadoo sidookale uu saameyn ku yeelanyo amniga islamrkaasna uu keeni karo falal amniga lidi ku ah

saraakiisha ciidanka amaanka gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in aysan aqbali doonin in waxyabaha maanka dooriya lagu dhex isticmaalo gudaha magaalada iyo dhamaan deegaanada gobolka hiiraan

waxaana dhowr jeer oo hore goobo fagaaro ah lagu gubay wax yaabaha maanka dooriya oo iskugu jira qamri iyo xashiish oo howlgalo lagu soo qabtay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here