Dowladda Uganda ayaa shaaca kaqaadday in dalkeeda uu wajahayo cabsi laga qabo weeraro kadhaca dalkaasi islamarkaana waxa ay sheegeen in dalka Uganda uu unugulyahay weeraro laga geeysto dalkaasi.
Wasiirka gaashaandhiga dalka ugaanda ninka lagu magacaabo Adolf Mwesige ayaa warbaahinta usheegay in dalka Uganda uu unugulyahay weeraro laga geeysto dalkaasi isagoona kadigay in weeraro kadhacaan dalkaasi waxa uuna intaasi kudaray in Alshabaab ay yihiin khatarta ugu weeyn ee haatan ay walaaca kamuujineyso dowladda ugaanda.
Wasiirka difaaca dalka Uganda Adolf Mwesige ayaa hoosta kaxariiqay in dhaqdhaqaaqyada iyo howgallada Alshabaab ay kawadaan Somalia iyo waddamada dariska sida Kenya ay khatar xooggan kutahay dowladda Uganda doorka ay kuleedahay howgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee kasoconaya gudaha dalka Somalia.

