Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax ka dhacay Gabalka grdo ee koonfurta Soomaaliya, waxaana qaraxaas lala eegtay Ciidanka Ethopia gaar ahaan kuwa ku sugan Gabalka Gedo.
Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Garbahaarrey ee Gabalka Gedo, waxaana ka dhashay sida la sheegay mkhasare xooggan oo soo gaaray ciidanka Ethopia, kuwaas oo ka mida ah ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Goobjoogayaal ku sugan Garbaharrey ayaa inoo sheegay in ay maqleen jugta qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana si weyn looga maqlay xaafadaha kala duwan ee ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaas, iyagoo sheegay in ay khasaare gaarsiiyeen ciidanka Ethopia eek u sugan gedo.

