Dalka Ugand oo Walaac ka muujiyay Weeraro Laga yaabo in ay Shabaab ka Fuliyaan

0

Dowladda Uganda ayaa shaaca kaqaadday in dalkeeda  uu wajahayo cabsi laga qabo weeraro kadhaca dalkaasi islamarkaana waxa ay sheegeen in dalka Uganda uu unugulyahay weeraro  laga geeysto dalkaasi.

Wasiirka gaashaandhiga dalka ugaanda ninka lagu magacaabo Adolf Mwesige ayaa warbaahinta usheegay in dalka Uganda uu unugulyahay weeraro laga geeysto dalkaasi isagoona kadigay in weeraro kadhacaan dalkaasi waxa uuna intaasi kudaray in Alshabaab ay yihiin khatarta ugu weeyn ee haatan ay walaaca kamuujineyso dowladda ugaanda.

Wasiirka difaaca dalka Uganda Adolf Mwesige ayaa hoosta kaxariiqay in dhaqdhaqaaqyada iyo howgallada  Alshabaab ay kawadaan Somalia iyo  waddamada dariska sida Kenya ay khatar xooggan kutahay dowladda Uganda doorka ay kuleedahay howgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee kasoconaya gudaha dalka Somalia.

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here