Maamulka Gobalka Banaadir oo soo saaray amar lagu joojinayo ku dabaalashada Xeebta Liido, sababo la xariira sidii looga hortagi lahaa caabuqa Covid-19 ayaa la sheegay in loo joojinayo ku dabaalashada xeebta.
Xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortega Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalal Caalamka, waxaana ay guddigu isla garteen in la joojiyo muddo todobaad ah ku dabaalashada xeebta.
Waxaa sidoo kale guddigu ay sheegeen in xarumaha la isugu yimaado eek u yaalla Liido ay sii furnaan doonaan, balse waxaa ay ku baaqeen in la yareeyo xafladaha la isugu yimaado.

