Dab xooggan ayaa ka kacay kaam ku yaalla degmada kaxda ee Gobolkani Benaadir, waxaana ka dhashay khasaare soo gooray dadkii danyarta ahaa ee ku noolaa kaamkaasi.
Waxaa ku danbas beelay 12 guri oo ka mid ah guryaha kaamka Himilo, waxaana dabkaani uu ka billawday markii hore hal guri oo ka mid ahaa guryaha dadka danyarta ah eek u jira kaamkaasi.
Ugu danbayntiii Waxaa lagu guulaystay in dabka la damiyo, kadib dadaal dheer oo ay sameeyeen dadka degaanka, waxaana ku waxyeeloobay hal gabar oo dhaawac fudud ah sida ay inoo xaqiihisay guddooiye ku xigeenka kaamka Deeqo Cabdullaahi Maxamed, waxaana ay sheegtay in aysan jirin qof kale oo ku wax yeelloobay dabkaas marka laga sootago in ay ku waayeen Guryahoodii, iyadoo ay bas beeleen 12 guri oo ay lahaayeen dadka danyarta ah eek u jira kaamka Himilo.
Waxaa ay sheegtay in ay gaarsiiyeen maamulka degmada khasaaraha soo gaaray dadka danyarta ahaa eek u daganaa kaamka iyo sida ay xaaladdu taahy iminka, waxaa intaasi ku dartay in aysan jirin meel u diyaarsan dadkaasi oo ay hooy ugu dhigaan

