Degmada qansax dheere ee Gobalka Baay waxaa saaka Qarax lagula eegtay ciidamo Ethopian ah iyo kuwa Koonfur Galbeed, qaraxaas oo gaystay qasaaro.
Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka Lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay ciidamo Ethopian ah iyo kuwa Koonfur Galbeeed oo ku sugnaa saldhig ay ku leeyihhin Degaankaasi.
Inta la xaqiijiyay Laba askari ayaa ku geeriyootay kuwaas oo ka kala tirsanaa ciidamada Ethopia iyo kuwa koonfur Galbeed, waxaana Qaraxu uu haleelay mid ka mida gawaadhida ciidamada Ethopia, ciidanka ayaa furay rasaas kadib qaraxa, balse ma jirto cid ku wax yeellowday rasaastaas ay fureen ciidamada Ethopia.
Al-shaab ayaa sheegatay in ay qaraxaas ka danbeeyeen ayna ku dileen labada askari ee qarax ku nafwaayay.

