Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo Xilka Laga Qaaday

0

Waxaa xilka qaadis lagu sameeyay Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ahaa Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay ayaa si rasmi ah xilkii looga qaaday.

Taliyaha Xilka Laga qaaday ayaa horay loogu eedeeyay in cusbitaal ku yaalla magaalada muqdisho uu kala baxay Bukaan ay wax ka qaban waayeen dhaqaatiirta xabsiga dhexe, bukaanka ayaa waxaa lagu dabiibayay cusbitaal gaar loo leeyahay waxaana kala baxay oo ka daba yimid taliyaha taasi oo keentay in uu geeriyooday bukaankii, wixii intaasi ka danbeeyana waxaa shaqo joojin lagu sameeyay taliyaha.

Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Xabsiga Dhexe ee Xamar, isagoo bedelaya Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here