Faah Faahin Dheeraad ah oo Laga Helayo Dab Ka Kacay Kaam Kuyaalla Degmada Kaxda

0

Dab xooggan ayaa ka kacay kaam ku yaalla degmada kaxda ee Gobolkani Benaadir, waxaana ka dhashay khasaare  soo gooray dadkii danyarta ahaa ee ku noolaa kaamkaasi.

Waxaa ku danbas beelay 12 guri oo ka mid ah guryaha kaamka Himilo, waxaana dabkaani uu ka  billawday markii hore hal guri oo ka mid ahaa guryaha dadka danyarta ah eek u jira kaamkaasi.

Ugu danbayntiii Waxaa lagu guulaystay in dabka la damiyo, kadib dadaal  dheer oo ay sameeyeen  dadka degaanka, waxaana ku waxyeeloobay  hal gabar oo dhaawac fudud  ah sida ay inoo xaqiihisay guddooiye ku xigeenka kaamka  Deeqo  Cabdullaahi Maxamed, waxaana ay sheegtay in aysan jirin qof kale oo ku wax yeelloobay dabkaas marka laga sootago in ay ku waayeen Guryahoodii, iyadoo ay bas beeleen 12 guri oo ay lahaayeen dadka danyarta ah eek u jira kaamka Himilo.

Waxaa ay sheegtay in ay gaarsiiyeen maamulka degmada khasaaraha soo gaaray  dadka danyarta ahaa eek u daganaa kaamka iyo sida ay xaaladdu taahy iminka, waxaa intaasi ku dartay in aysan jirin  meel u diyaarsan dadkaasi oo ay hooy ugu dhigaan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here