Raisulwasaare Kheyre oo Maanta Furaya Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la filayaa in uu furo shirka Dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee Dhusa-mareeb.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya dhamaan 12-beel ee daga  Galmudug sida horey loo shaaciyay.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, xildhibaanno iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaxa XFS, ayaa Shalay Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Ergada degaanka Xeraale uga qayb galeysa shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug

Nabadoonnada hoggaaminayay Ergada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyay sida uu isaga xil saaray in Magaalada Dhuusamareeb ay noqoto goob Dadka dhan u dhexeysa oo lagu qaban karo shir dib-u-heshiisiineed oo looga hadlaya aayaha Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr; Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi Baaddiyow, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in reer Xeraale ay aqbaleen casuumaadii guddigu u fidiyay kadib  markii la fuliyay shuruuddii ay ku xireen oo aheyd in Dhuusamareeb marka hore laga dhigo magaalo loo simanyahay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here