Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa ka hadlay duqeyn ka dhacday Degmadda Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.
War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay Xubin ka Tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in Marayanku qiimeeyey inaan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntaas.
Maraykanku ma sheegin magaca qofka la bartilmaameedsaday ee lagu dilay weerarkaas.

