Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la filayaa in uu furo shirka Dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee Dhusa-mareeb.
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya dhamaan 12-beel ee daga Galmudug sida horey loo shaaciyay.
Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug, xildhibaanno iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaxa XFS, ayaa Shalay Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Ergada degaanka Xeraale uga qayb galeysa shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug
Nabadoonnada hoggaaminayay Ergada ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad celiyay sida uu isaga xil saaray in Magaalada Dhuusamareeb ay noqoto goob Dadka dhan u dhexeysa oo lagu qaban karo shir dib-u-heshiisiineed oo looga hadlaya aayaha Galmudug.
Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr; Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi Baaddiyow, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in reer Xeraale ay aqbaleen casuumaadii guddigu u fidiyay kadib markii la fuliyay shuruuddii ay ku xireen oo aheyd in Dhuusamareeb marka hore laga dhigo magaalo loo simanyahay.

