Jubbaland oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay Dagaalka Baladxaawo iyo Doolow

0
Jubbaland oo War kasoo saartay Dagaaladii Shalay ilaa Xalay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ku qaadeen Shacabka Degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ee Gobolka Gedo.
“Muddo ku dhow toddobaad, magaalada Beledxaawo waxay wajahaysay weerarro isdaba joog ah oo kaga imaanaya ciidamo ku sugan xerada UK ee duleedka magaaladaas, iyadoo shakhsiga hoggaaminaya damacan gurracan oo aan ka tirsanayn CXD, diyaarad dagaal uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud ku geeyay xerada UK xili inta badan garoomada diyaaradaha gobolka ay cunoqabateyn saaran tahay oo loo diiday dadka shacabka ah inay ka dhoofaan iyadoo aalad dagaal loo adeegsanayo awoodda maamulka hawada Soomaaliya.
Goor hore oo shalay ah, ciidamadaasi waxay mar kale si toos ah u weerareen magaalada Beledxaawo, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Jubaland. Weerarkaasi wuxuu sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed oo xooggan, iyo cabsi laga dhaxlay hub culus, oo si aan loo meel dayin loogu garaacay gudaha magaalada. Intaa kaliya kuma ekaan, ee ciidamadaasi waxay sidoo kale biliilaaysteen guryo ay dadkii lahaa ka qaxeen, taasoo si cad u muujinaysa in aanay wax dan ah ka lahayn shacabka iyo deegaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here