Ciidanka Xoogga dalka somaliyeed iyo macawisleyda degmada Xarardheere ayaa shalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al shabab,
Dowlada soomaliyana shegtay in Horjoogayashaan sare ee la dilay in ay ahaayeen kuwa ka qeyb qatay dagaalo ka dhacay Mudug iyo Galguduud.
Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Al shabab ee Mudug iyo Galguduud.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo ay wateen Al Shabab
ciidanka fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

