Al shabab oo dirtay hanjabaad culus ka dib werarkii hotel syl iyo mareykanka ka hadlay werarkaasi

0

Al shabab ayaa ka hadashay werarkii habenkii khamiista ka dhacay hotel syl ee magalada muqdisho kaasi oo ahaa mid ku bilowday qaraxyo lagu weraray irida hore ee hotel syl isla markaasina uu xigay dagaal toos ah oo ka dhacay gudaha hotelka

Xubin sare oo ka tirsan Al shabab oo ka hadlay werarkasi ayaa shaaciyay in xubnahooda muddo 15 sacadood ka dagalamayeen gudaha xarunta ayna dileen sarakiil iyo askar ilaala ka ahaa xarunta madaxtoyada iyo hotelka ayna dhawaceen xilibaano ka tirsan barlamaanka soomaliya

Intaa ka dibna waxa ay shegeen al shabab  in dagaalkii maaxweyne xasan shikh ku dhawaqay in ugu danbeyntii kusoo dhamadeen in alshabab ka dagalamaan afafka hore ee madaxtoyada soomaliya sida ay hadalka u dhigeen

Sidoo kalana waxa ay direen hanjabaad aad u adag kaasi oo ay ku balan qadayaan in ay sii laba laabi donan werarada nuucani oo kala ah

 

Dhinaca kalana dowlada mareykanka ayaa si adag u cambaareysay werarka hotel syl ee muqdisho

Qoraal kasoo baxay safarada mareykanka ee muqdisho ayaa lagu yiri , “ Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa weerarka argagaxisada ku qaaday Hotel SYL ee Muqdisho, waxaan tacsi u direynaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday weerarkaas, waxaana bogsasho deg deg ah u rajeyneynaa dadkii kale ee ku dhaawacmay,”

 

Sidoo kalana waxaa lagu yiri qoraalka  “Mareykanka iyo Soomaaliya waxay wadaagaan danaha ku aadan kor u qaadida nabadda iyo barwaaqada, waxaana naga go’an in aan Somalia ka taageerno dadaalada looga adkaanayo kooxda Khawaarijta.”

 

Si kastaba ha noqotee werarkii hotel syl lagu qaday ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay tuhuno aad u weyn kaasi oo ku adan cida fududeysay werarkasi iyadoona loo xiray sarakiil iyo askar ka tirsanm dowlada oo baritaano dheraad ah uu ku socdo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here