Magalada muqdisho ayaa manta lagu wadaa in laga qaado qaar ka mid ah dadkii ku dhawacmay werarkii Al shabab ka geystay hotel Syl ee muqdisho iyadoona loo qadayo dalka turkiga si xaaladahooda cafimaad loola tacaalo maadama wax looga qaban wayay dhaawacyada daran gudaha isbitalada muqdiso
Dadka manta la qadayo ayaa u badan masuliyiin xilal ka haya dowlada federalka ee soomaliya kuwaas oo waxyeelo culus kasoo garay werarka Al shabab ee khamiista ka dhacay Hotel ku yaal afafka hore ee madaxtoyada Soomaliya
Dhinaca kalana madaxda dalka ayaa booqday dadkii ku dhawacmay werarkii hotel syl waxa ka mid raisulwasaraha dalka gudoomiyaha golaha shacabka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho halkasi oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii Al shabab ee ka dhacay hotelka SYL. Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii Al shabab ee hotel SYL.

