Faahfaahin:wariye lagu dilay degmada caabudwaaq

0

Alle ha u naxariistee waxaa xalay galinkii danbe magalada caabudwaaq ku geeriyooday Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan oo ka tirsanaa warbaahinta ku hadasha afka  dowlada wariayaha ayaa  u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey rasaas shalay uu ku furey askari waardiye ka ahaa xarunta Agoonta  takulo ee magalada Caabudwaaq oo uu isagu Masuul ka ahaa.

Geeriyada marxuumka oo sacado ka hor shaca laga qaday ayaa waxaa ka hadlay dadyow kala duwan waxaa qeyb ka ah wasiir ku xigeenka warfaafinta xukumada soomaliya cabdirahman al cadaala qoraal uu ku baahiyay bartiisa gaarka ah ee face book ayuu ku yiri

Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

 

Illaaheey Naxariistiisa Janno haka waraabiyo Walaalkeey Cabdikariim Axmed Bulxan oo gacan ka xaqdarani ku dishay Cabudwaaq.

 

Marxuumka, waxa aan saaxiib iyo shaqo wadaag ahayn muddo gaaraysa ama ka badan 20 Sano.Wuxuu ahaa nin ahlu Khayr ah oo aad uga shaqeeya wanaaagga.

 

Sanadihii danbe wuxuu si gaar ah uga shaqaynayay caawinta Masaakiinta isaga oo hadda gacanta ku hayay caawinta Agoonta iyo Dadka Nugul oo xaqu u yimid ugu danabayn isaga oo shaqadaas Khayrka badan ku jira isla markaana lagu guda jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Alloow Janadaada tan ugu saraysa ku casuun.

Alloow gaadishiis hanna fidnayn.

Dhinaca kalana ma jirto wax waraa kasoo baxay mamulka galmudug iyo kan demada cabudwaaq oo ay kaga hadlayaan dil loo geystay wariye cabdikariin axmed bulxan oo sidoo kala ahaa samafale

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here