DEGDEG: Askari dilay taliye ururkiisa oo xukun dil ah lagu riday

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta Galmudug oo manta bilowday dhageysiga askar loo heystay Dilka taliyihii ururka 272 ee guutada  abuu dujaana ciidanka xooga dalka Somaliyeed ayaa isla manta soo gabagabesay xukunka askarta ku edeysan dilka Aun Laba xidigle  mustaf suudi axmed

 

 

Dhageysiga edeysanayasha oo manta ka dhacday magalada dhuusamareeb ee caasimada galmudug ayaa waxaa goob joog ahaa ehelada marxuunka iyo Sarakiil ciidan oo ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida xooga dalka soomaliyeed

 

Salaad cali fiidow oo ku dhashay degmada warshiid ee gobolka sh.dhaxe ahaana 24jir  ayaa maxkamada ka hor qirtay in uu afar baaloote si bareer ah uu ugu dhuftay ex laba xidigle xooga dalka  mustaf suudi axmed

 

 

Ugu danbeyntii Dood dheer ka dib kulanka maxkamada oo sacado badan qatay ayay maxkamadu ku xukuntay danbiile  Salaad fiidow  dil togasho ah oo qisaasta Taliye ururkiisa uu dilay xili uu taliyaha Askar badan ku raacdesanayay furimaha dagaal mudug kuwaasi oo doonayay in baxsadaan

 

Sidoo kalana maxkamada ayaa dhageysatay kiiska askar 8 ahaa oo ku edeysan in ay kasoo carareen furimaha dagaal koonfurta gobolka mudug hayeshee maxakamada ayaan wali soo sarin xukunka edeysanayashaasi waxa uu noqday

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here