Wararka ka imaanaya magalada baladweyne ee xarunta gobolka hiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus kaasi oo soo bilowday xiligii saxuurta sida ilo muhiim ah ay inoo xaqiijiyeen
Dagaal oo hatan lisku adegsanayo hubka culus ayaa u dhaxeeya ciidamada mamulka la magic baxay hiraan state iyo kuwa taabacsan mamulka hiirshabele ee ku sugan gudaha baladweyne iyo daafihiisa
Waxa uuna bilowday dagaalka ka dib markii ciidamada hiirshabele ay isku dayeen in ay xoog ku galaan goobo fariisin u ahaa ciidanka dadka degaanka ee hiiraan state
Dhinaca kalana ila ahada lama xaqiijin qasaraha rasmiga eek a dhashay dagaalka baladweyne ka socda waxaase la rumeysan yahay in dagaalka uu geystay qasaaro isigu jiro dhimasho iyo dhawac laba dhinac soo gala gaaray
Sidoo kala lama soo warin cid ku baxday dagaalkaasi sii xoogeysanaya marba mar ka dambeysa waxaase isha lagu hayaa sida mamulka hiirshabele iyo kan hiraan state la magac baxay ay kaga hadlaan
Si kastaba hanoqotee dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya xili maalmo ka hor garoonka diyaraha baladweyne loo diiday in uu kasoo dago gudoomiyaha hiirshabele ugu magacaban hiiraan cabdulahi maalin sufurow iyadoona xiisadi ay ka taagneed malmahaan baladweyne
