Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Jilib marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Deegaanka Jilib marka ayaa ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Marka, waxaana qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka lagu sheegay in howlgalka oo wali socda lagu dilay 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.
“Hawlgalkan oo soo bilawday waaberigii hore ee saakay ayey ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Al-shabaab, kuwaas oo xogtooda la helay, iyadoo gacanta looga dhigay saanad ciidan oo dagaalka loo isticmaalo, sida ay warbaahinta qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howgalkan qeybta ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

