Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Aysan Jirin Halis ka jirta hawada Soomaaliya.

0

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa goor-dhow sheegtay in aysan jirin amni xumo iyo halis ka jirta hawada Soomaaliya.

 

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya.Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

 

Somaliland ayaa sheegtay in ay isku dhici gaareen diyaarado laga leeyahay Qatar iyo Itoobiya, kadib markii ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay siisay amar qaldan diyaarada Qatar Airways.

 

 

Qoraal kasoo baxay Hay’ada duulista Somaliland, ayaa lagu sheegay in maanta abaaro 12:32 duhurnimo ay isku dhici gaadheen labada diyaaradood kadib markii diyaarada  Qatar Airways oo ku duulaysay 38000ft ay hagayaasha Muqdisho u sheegeen in ay korto 40,000feet.

 

 

Qoraalku waxa uu intaa ku daray in ay Qatar Airways ku dhici gaadhay diyaarada Itoobiya oo ku duulaysay joog dhan 39000ft, lakiin waxay Somaliland sheegtay in qalabka diyaaradaha ku xidhan ee digniinta siiyaa uu bad baadiyay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here