Somaliland ayaa sheegtay in ay isku dhici gaareen diyaarado laga leeyahay Qatar iyo Itoobiya, kadib markii ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay siisay amar qaldan diyaarada Qatar Airways.
Qoraal kasoo baxay Hay’ada duulista Somaliland, ayaa lagu sheegay in maanta abaaro 12:32 duhurnimo ay isku dhici gaadheen labada diyaaradood kadib markii diyaarada Qatar Airways oo ku duulaysay 38000ft ay hagayaasha Muqdisho u sheegeen in ay korto 40,000feet.
Qoraalku waxa uu intaa ku daray in ay Qatar Airways ku dhici gaadhay diyaarada Itoobiya oo ku duulaysay joog dhan 39000ft, lakiin waxay Somaliland sheegtay in qalabka diyaaradaha ku xidhan ee digniinta siiyaa uu bad baadiyay.
“Laakiin nasiib wanaag qalabka diyaaradda ku xidhnaa ee loo yaqaan TCAS(Tiikas)( traffic avoidance collision system) ayaa digniin deg deg u siiyay una sheegay jooga la siiyay inay ku jirto diyaaradda kale, qalabkaas ayaa ku amaray diyaarda Qatar in aanay fuulin jooga loo sheegay” ayaa lagu yidhi qoraalka.

