Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya anay hakin karin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana anay jirin wax Soomaaliya ka khuseeya howlaha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland ay xor u tahay in anay heshiis la gasho dalkasta oo ay doonto.
“Waddamada aanu xidhiidhka la leenahay Soomaaliya wax ka khuseeyaa ma jiraan, xornimadayada 1991 ayaanu la soo noqonay, markaa runtii wax khusayn kara Soomaaliya ma jirto, xor ayaanu u nahay in aanu waddankaanu doono xidhiidh la yeelano” ayuu yidhi Wasiir Kayd.

