Dowladaha Masar iyo Qatar oo Taageeray Midnimada iyo Xasiloonida Soomaaliya

0

Madaxweynaha dalka Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka adag ee Masar ay ku garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ka taageerto amnigeeda iyo xasiloonideeda.

 

 

Madaxweyne El-Sisi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu talaadadii xalay khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar iyo madaxtooyada Soomaaliya, labada hoggaamiye waxay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga iyo isuduwidda dhinacyada kala duwan.

 

Waxa kale oo ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, sida lagu yiri war saxaafadeedyo kasoo kala baxay madaxtooyada labada dal.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Hamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here