Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaan maanta Urur goboleedka IGAD, kasoo dowladda Soomaaliya ay u aragtay mid aan dhex dhaexaad aheyn oo lagu taageerayo dowladda Itoobiya.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa looga dalbaday Xoghayaha Fulinta Urur goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu inuu raali galin ka bixiyo bayaanka uu maanta soo saaray.
Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa ku tilmaamtay bayaanka kasoo baxay IGAD mid iney nasiib daro ah, maadama aan lagu cambaarayn dowladda Itoobiya oo ku xad gudubtay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku khilaafsan nuxurka qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Fulinta, waxayna u aragtaa mid taageersan dowladda Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Xoghayaha Fulinta inuu si deg deg ah raaligelin uga bixiyo, kana laabto hadalkaas, uuna qaado tallaabada ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka ay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.


