Midowga Yurub oo Soo Jeediyay in La Ixtiraamo Madax-banaanida Soomaaliya

0

Midowga Yurub ayaa garab istaagay  in la ixtiraamo madax-banaanida Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhaliyay la saxeexatay Somaliland.

 

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Isniintii kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya siinaya fursad ay ku hesho Deked Badda Cas ah iyo Saldhig Milatari oo ay kireystaan.

 

War saxaafadeedka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay jeclaan lahaayeen in ay xasuusiyaan muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here