Golaha Wasiirada Somaliland oo yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa taageeray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyaga oo sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo ka hor timaada.
Golaha oo uu shir Guddoominayay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici, ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah, iyaga oo u mahadceliyay dowlada Itoobiya oo sheegtay in ay noqonayso dalkii ugu horeeyay ee Somaliland aqoonsada.
Goluhu waxa uu cambaareeyay diidmadii ay Soomaaliya ka muujisay heshiiska labada dhinac, wuxuuna dowlada federaalka ugu baaqay in ay ka waantowdo diidmada, waxayna sheegeen in ay taasi ay dhaawacayso nabadgalyada gobolka Geeska Afrika.

