Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo Itoobiya u ogolaanaya inay hesho badda cas.
“Waanu aragnay warbixinahaas, waanu ka walaacsanahay , waxaanu ku biirnay asxaabta kale si aanu u muujino walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay si diblumaasiyadeed u wadahadlaan. Maraykanka wuxuu aqoonsan yahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya lagasoo bilaabo sanadkii 1960-kii,” ayuu yiri Miller.
Is-afgaradkaas oo ay Isniintii kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayay Soomaaliya ku tilmaamtay gardarro xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

