Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd safar ugu baxay dalka Itoobiya, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Raysal Wasaare Abiye Axmed.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ka raacay diyaarad gaara oo uu Raysal Wasaaraha Itoobiya u soo diray weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxaanu safarkoodu qaadan doonaa maalmo kooban, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Qorshaynta Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Waxbarashada Dr Axmed Aadan Buuxane, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska Muuse Ibraahim Selef.
