Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka haatan aysan qorshaha ugu jirin iney qaadato deyn cusub.
Wasiir Biixi iimaan Cige ayaa sidoo kale xusay ineysan jirin deg deg siimo ay dowladda Fedaraalka ku dooneyso iney markale ku qaadato deyn cusub.
“Waxaa loo baahan yahay marka la qaadanayo deyn iney ku diyaarsan yihin mashaariicdii lagu fulin lahaa, dowladda Soomaaliya hada ayay kaso baxday deyn Cafin, mana jirto qorshe kale oo ay deyn cusub ay ku qaadan karto” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

