Liiska xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland oo La Shaaciyay

0

Liiska xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, waxaana ku jira 17-ka xubnood ee kasoo jeeda degaanada SSC- Khaatumo.

 

Liiska baarlamaanka ayaa lagu dhawaaqay xilli dambe oo salaaddii subax kadib ahayd, ka dib khilaaf badan oo hareeyeeyay habka loosoo xulay xubnaha oo uu  khilaaf ka taagnaa.

 

Lama oga in ay musharraxiinta kasoo horjeesan doonaan xubnaha baarlamaanka ee la shaaciyay, iyagoo xalay sheegay in madaxwene Deni uu faro galin ba’an ku sameeyay kuraasta ay beeluhu soo xusheen, sheegayna inuu liiska ka saaray xildhibaano ay beeluhu soo xusheen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here