Wiil uu Dhalay Madaxweyne Xasan Shiikh Qof Ku Dilay Magaalada Istanbul.

0

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa ku warramaysa in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu galay shil baabuur oo sababay dhimashada darawal mootoole ah oo lagu magacaabi jiray Yunus Emre Göcer.

 

Shilkan sababay geerida ayaa wuxuu 30-kii bishii Noofambar ka dhacay, meel u dhow waddada Eurasia Tunnel ee magaalada Istanbul.

 

Göçer, oo 38 jir ahaa, ayaa wiilka madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, oo watay baabuur ka diiwaan gashan Qunsuliyadda Soomaaliya ee Istanbul, wuxuu gadaal uga dhuftay mootada Göçer, taasoo uu kasoo gaaray dhaawac culus.

 

Lix maalmood kadib, ayuu Göçer u geeriyooday dhaawaca kasoo gaaray shilka gaari, isagoo ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul.

 

Booliiska ayaa sii daayay warbixin ku saabsanayd, in Göçer uu lumiyay xakamaynta mootada. Balse muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon, ayaa shaaca ka qaadaya in gaariga wiilka madaxweynaha oo xawaare sare ku socday uu dhabarka kaga dhacay mootada uu watay Göçer.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here