Masar oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Arrimaha Amniga iyo Dagaalka Shabaab

0

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay kamid tahay waddamada ansixiyay Qaraarka Golaha Ammaanka ee meesha looga saaray cunaqabateynta hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo 1992-kii.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa soo saartay bayaan ay ku qiratay in qaraarkan uu muujinayo horumar la taaban karo oo dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka ay kula jirto Alshabaab iyo raadinta xasilloonida.

 

Masar waxa ay xaqiijisay in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay dib ugu soo celiso amniga iyo xasilloonida dalkeeda, iyo sidoo kale horumarinta horumarka dalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here