Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay Magaalada Rustenburg ee dalkaas ku dilay laba ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqa tagay dalka Koonfur Afrika.
Allaha u naxariiste laba muwaadin ee Xalay burcada ku dishay goobtooda ganacsi ayaa kala ahaa wiil iyo abtiis oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxiin Xasan Cali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim.
Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka South Afrika ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay labada Marxuum, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

