Qaraxyadda Lala Beegsanayo Ganacsiyadda Lagu Xiray CCTV Muqdisho oo Sii Kordhaya

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo xalay fiidkii ka dhacay gudaha Suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

 

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay, ayaa lala beegsaday Shirkadda Qalabka Falinjeerada iyo Mukefyada ee National Xafiiskeeda Gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Khaliifa halka loo yaqaano.

 

Mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda National ayaa idaacadda Simba u sheegay in Miinadda lagu dhajiyay mid kamid ah Irdaha xafiiska, islamarkaana la qarxiyay,waxaa burbur kooban uu soo gaaray dhismaha Xafiiska Shirkada National xafiiskeeda Suuqa Bakaaraha.

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Shirkadda,iyo laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxa ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

 

 

Waa qaraxii 5-aad ee lala beegsanayo goobaha Ganacsiyadda lagu xiray kaamirooyinka CCTV ee Magaaladda muqdisho.

 

Horey waxaa loo qarxiyay ganacsiyo ku yaala Degmadda Yaaqshid, Xaafadda Black Sea, xaafadda Laba dhagax, iyo gudaha Suuqa.

 

Ganacsatadda Magaaladda Muqdisho ayaa xiligaan wajahaya culeyso ku aadan amaro is diidan oo ka kala imaanaya Dowldadda iyo Al-shabaab kuwaasi oo ku aadan xirista iyo furista Cameradda duubta dhacdooyinka ka dhaca wadooyinka.

 

 

Caqabadaha xiligaan taagan waxaa kamid ah in goobihii ganacsiga xiliyadda hore la furi jirey in dib loo dhigay sababo ku aadan cabsi jirta, iyo in  goobahooda lagu beegsado Ganacsatadda,waxaa sidoo kale goobaha ganacsi ee magaaladda la xiraa xili hore cabsi laga qabo Al-shabaab.

 

 

 

Laamaha amaanka ayaa sheegay in xarista Cameradda CCTV ay sahlayso In la aqoonsado shaqsiyaadka falalka amni daro ka geysta Magaaladda markuu falka dhaco kadib madaama la helayo waxa ay xiligaas duubtay.

 

 

 

 

Balse Al-shabaab ayaa la sheegay in tilaabadaan ay ka hor yimaadaan madaama ay yihiin raga ugu badan ee ka fuliya Magaaladda qaraxyadda iyo dilalka,balse aan la helin raad muujinaya sida uu falka u dhacay.

 

 

Muuse Cabdi Carraale, oo ah Gudoomiyaha Al-shabaab ugu Magacaaban Gobolka Banaadir ayuu si adag kaga digay Kamaradaha Dowladda ay ku amartay inay xirtaan ganacsatada magaalada Muqdisho .

 

Waxa uu sheegay in ammarka ah in goobaha ganacsiga lagu xiro kamaradaha uu kasoo baxay xarunta Xalane, amarkaasna lasoo marsiiyay Dowladda si ay u gaarsiiyaan ganasatada Muqdisho, wuxuuna dadka reer Muqdisho uga digay inay qaataan amarkaas, cidda diidana laga qaadi doono tallaabada ku habboon.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in la fuliyo amarka xarista Kaamirooyinka,waxaa maalin walba irdaha la iskugu dhuftaa ganacsiyo ku yaala Suuqa bakaaraha ee magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here