Midowga Afrika oo shaaciyay inuu bilaabanayo dhameystirka wajiga 2-aad ee dhimista ATMIS

0

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan  Soomaaliya, ayaa shaaciyay in howlgalka ATMIS uu dib u bilaabi doono soo gabagabeynta wejiga 2 ee dhimista 3000 oo askari marka la gaaro 31ka Diseembar 2023.

 

Ergayga lagu magacaabo Souef Mohamed El-Amine, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku wareejin doono ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, 8 xarumood oo baro ciidan ah.

 

Wakiilka Midogwa Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya taageeradiisa iyo iskaashigiisa, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here