Golaha dhaqanka ee maamulka SSC- Khaatumo ayaa soo dhoweeyay go’aan kasoo baxay beesha Habar-jeclo oo kamid ah beelaha Somaliland, go’aankaas oo ahaa mid nabadeed oo dhiirri galinayay wada noolaanshaha labada dhinac.
Bayaan kooban oo ay soo saareen golaha dhaqanka ee SSC, ayaa waxay ku sheegeen in ay xakamayn doonaan in ciidankooda ay u gudbaan dhinaca kale. Iyaguna waxay codsadeen in sidaas oo kale beelaha ay dirirtu dhexmartay, xakameeyaan inay duulaan soo qaadaan ciidankooda.

