Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Soomaaliya oo aay saar need muddo dheer.
Kulan ay yeesheen xubanaha golaha ammaanka ayaa 14 waxa ay oggolaadeen in laga qaado cunoqabataynta hubka dalka Soomaaliya halka dowlada Faransiiska ay ka aamustay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed caawa ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka oo saarnayd dalkeena ilaa 1992.

