Warar kala duwan ayaa laga helayaa qarax xalay abaare 11:00PM ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday goob Ganacsi oo ku taala Isgoyska Black Sea dhanka Degmadda Holwadaag,taasi oo lagu iibinayay alaabaha Baabuurta ee Spare Parts loo yaqaano.
Waxaa naloo xaqiijiyay in Miinadda Nooca dhajiska loo yaqaano lagu dhajiyay goobta ganacsi,sidaasna lagu qarxiyay,waxaana burbur xoogan uu soo gaaray Goobta Ganacsi.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Goobta Ganacsi ee la qarxiyay dhawaan lagu xiray Cameradda loo yaqaano CCTV,islamarkaana ay dhaqan galisay amarka Dowladda Soomaaliya,balse fariin kaga timid dhanka Al-shabaab oo ku wargaliyay in laga fujiyo,balse maamulihii goobta ganacsi uu amarka Al-shabaab iska diiday.
Ganacsatadda Magaaladda Muqdisho ayaa xiligaan wajahaya culeyso ku aadan amaro is diidan oo ka kala imaanaya Dowldadda iyo Al-shabaab kuwaasi oo ku aadan xirista iyo furista Cameradda duubta dhacdooyinka ka dhaca wadooyinka.
Laamaha amaanka ayaa sheegay in xarista Cameradda CCTV ay sahlayso In la aqoonsado shaqsiyaadka falalka amni daro ka geysta Magaaladda markuu falka dhaco kadib madaama la helayo waxa ay xiligaas duubtay.
Balse Al-shabaab ayaa la sheegay in tilaabadaan ay ka hor yimaadaan madaama ay yihiin raga ugu badan ee ka fuliya Magaaladda qaraxyadda iyo dilalka,balse aan la helin raad muujinaya sida uu falka u dhacay.
Waa goobtii labaad ee Al-shabaab qarxiyaan taasi oo lagu xiray CCTV,weerarkii koowaad ee lagu bilaabay Farmashiye ku yaala Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Waxaa jira goobo ganacsi oo magaalada wali xiran kuwaasi maamulayaashooda ay ku adkaatay qaadashada amarka Dowladda iyo ama midka Al-shabaab.
Sidaan oo kale Al-shabaab ayaa cadaadis u saaray ganacsatadda magaaladda muqdisho kadib markii irdaha hore ee Goobahooda ganacsi ku dhajiyeen CCTV wadada Maka Almukaramah,balse markii dambe ay la fujiyay kadib hanjabaadyo ka yimaaday Al-shabaab.
